Aamir Khan Oo Si Kulul Ugu Hadlay Xayiraada Saaran Filimka Shaahid Kapoor Ee Udta Punjab

udta-punjab-row-reflects-badly-on-cbfc-aamir-khan-1

Qarash Gareeyey sidoo kale Aktar Amir Khna ayaa ka hadlay xaalada uu ku suganyahay filimka Udta Punjab kaasi oo la xanibay waqtigii la daawan lahaa kadib markii la sheegay inay ku jiraan muuqaalo wax u dhimayaan Gobalka Punjab.

Amir Khan ayaa aminsan in sheekada filimkaasi ay tahay fariin rasmi ah oo ku saabsan Punjab, waana wax xun in la amro qeeyb kamid ah sheekadiisa in la jar jaro.

Waxaana uu gabi ahaanba kasoo horjeestay in filimka la joojiyo ,wuxuna sheegay in sheekadaasi ay tahay arin qaldan.

”Waa filim bulsho , kaasi oo ka hadlayaa taariikhdii Drugs-ka ee Punjab dhalinyaradeeda.

”Waana fariin dhab ah , umana maleeynayo in wax kale ay jiraan oo looga baahanyahay in filimka la jar jaro.

Waxaa uu sidoo kale weeraray gudiga filimkaan ku sameeyeen baaritaanka isagoo yiri ”Waa faro gelin xun,oo ay sameeyeen CBFC”.

”Waa muhiim in la helo filimsameyaha codkiisa haddii marba uusan ku jirin sheekada.

”Bulsho waliba waxaa ay xor u tahay hadalka ama ”Xuriyatul Qawlka”, waana muhiim inay ka hadlaan wax waliba oo ay doonayaan inay ku hadlaan.

Amir ayaa sidoo kale nasiib wacan u rajeeyey kooxda filimka sameeysey kuwaasi oo sheegay in waqti badan ay geliyeen filimka.

”Waxaan u maleeynayaa in filim sameeyaasha ay u socdaan maalin waliba FCAT (Film Certification Appellate Tribunal) waxaana u rajeeynayaa cadaal fiican inay helaan.

Filimka muranka hareeyey waxaa soo saare ka ah Abhishek Chaubey, halka ay jilaayaasha kamid yihiin Shahid Kapoor, Kareena Kapoor Khan, Alia Bhatt and Diljit Dosanjh.

Mudada filimkaan la fasixidoono waa  17th June, 2016, waxaana kaliya harsan 8 maalmood.

Share on Facebook

Comments

comments


Shabakada masraxa.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay ee Masraxa

Nagala Xiriir

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

 
/