Daawo Goos-gooska (Trailer) Filimka La Wada Sugayo Ee Dishoom Oo Soo Baxay Maanta.

Goos-gooskii la sugayay ee filamka ay soo wadaan Varun Dhawan, John Abraham iyo Jacqueline Fernandes oo ah filim akshan ah Dishoom ayaa haatan soo baxay. Filimka waxaa soo saaray Varun walaalkiis Rohit Dhawan.

Akrarka Varun Dhawan ayaa goos-gooska filimkaan soo dhigay bogiisa Twitter isagoo markii ugu horeysay la wadaagay taageerayaashiisa.

Goos-gooska ayaa ku bilaabanaya cod aad u xoog badan oo uu leeyahay aktarka Akshaye Khanna oo lagu arki doono shaashadaha ka dib afar sannadood uu ka maqnaa. Saqib Saleem ayaa isna la arkayaa isagoo matalaya ninka ugu fiican India ee ciyaarta kiriketka iyadoo uu filimka ku jilayo magaca Viraj Sharma kaasoo lagu afduubanayo Bariga Dhexe, 36 saacadood ka hor ciyaar weyn oo u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan.

dishoom-trailer-759

John Abraham oo filimka ku jilaya Kabir Shergill oo ka mid ah ciidamada qaaska ee Hindiya iyo Varun Dhawan oo ku jilaya Junaid Ansari ayaa isku baheysanaya inay raadiyaan ciyaaryahanka la weysan yahay.

Jacqueline ayaa iyadana lagu arkayaa iyadoo filimka ku mataleysa labada magac ee Pakeezah iyo Parvati waxaana ay labada aktar ku wehlineysaa howlgalkooda. Varun iyo John ayaa la arkayaa iyagoo la haasaawaya lana ciyaaraya aktarada.

Qofka afduubtay ciyaaryahanka waxaa matalaya Akshaye oo filimka ku mataya Wagah. Filimka intiisa badan waxaa lagu duubay dalka Isku Taga Imaaraadka Carabta.

Filimkaan waxaa uu tiyaatarada soo kori doonaa 29ka bisha July.

Share on Facebook

Comments

comments


Shabakada masraxa.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay ee Masraxa

Nagala Xiriir

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

 
/