Filimka Sultan Oo Khilaaf Ka dhex dhaliyay Labada Asxaab Salman Khan iyo Aamir Khan

Sultan oo ah filim uu ka atoora yahay Salman Khan ayaa sanadkaani soo bixi doona , waxaana la filayaa in uu wacdaro dhigi doono.

Filimkaani ayaa wuxuu ka dhex dhaliyay Khilaaf labada asxaab Salman Khan iyo Aamir Khan .

waxaana u sabab ah in Aditya Chopra oo u balan qaaday Aamir Khan in uusan Sultan uga soo hor mareyn shaashadaha filimka Aamir khan ee Dangal.

Aditya Chopra ayaa balantaasi ka baxay, oo isbuucii la soo dhaafay ayaa internet ka lasoo dhigay  goosgooska filimka Sultan.

Aamir Khan ayaa arinkaani ka carooday, maxaa yeelay filimkiisa Dangal ayaa ka horeeyay Sultan , shaqadiisuna horey u socotay.

Bollywoodlife ayaa waxay soo tabisay in Aamir Khan uu ka xanaaqsan yahay  arinkaani , wuxuuna si adag uga xanaaqay in ay kusoo daraan goosgooska qaab lagdameed loo magacdaray  dhobi-pachad , taasi oo ah mid filimka Dangal si badan looga isticmaalayo.anushka_sultan

Aamir Khan ayaa la filayaa in uu dib u dhigo soo saarista filimkiisa sanadkaani.

 

Share on Facebook

Comments

comments


Shabakada masraxa.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay ee Masraxa

Nagala Xiriir

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

 
/